Search for:

  Home Forum Suugaan History Geestbook Chat Qur'aan Islam Tafsiirka Dhoodan
 

Qaybtii 3aad ee Gumeysi Diid.

Ka dib markii aan ogaanay in isgumeysigu ahaa xaalad soo martay caalamka laga bilaabo qarnigii 14aad, oon aragnay in umadihii la gumeystay ay ka dhiidhiyeen gumeysigii, dagaal dheer oo boqolaal sano socdayna ay kala hortageen, ilaa laga soo afjaro isadoonsigii, meelo gaar ah oo dagaaladii gobanimadoon ay wali ka sii socdaan mooyaane, qaybtan 3aad waxaan kaga munaaqash-oon doonaa tabaha uu gumeysiga adeegsado suu u cabudhiyo rabitaanka gobanimo ee dadweynaha uu gumeysanayo.

Culimada taariikhda wax ka qora aad ayey uga hadleen arrintan waxeyna isla qireen in gumeystuhu meel kastaba ha joogee, midab kastaba ha lahaadee, tabta ay adeegsadaan ay tahay mid isku mid ah. Kitaab uu qoray general Berfer oo ah nin Fransiis ah wuxuu ku sheegay sidan: tabaha uu ku bilowdo gumeysigu waa in guuto ciidan go'an ah ay dhex yimaadaan dad aanay wada dhalan oo cadaawadi ka dhexeyso. Dadweynihii dalka lahaa waxey kala hortagayaan ugu horeynba dagaal bidaa'I ah oo aan qorsheysneyn. Waxaa dhacda badanaa in dadweynaha dalka u dhashay ay ka khaldanto awooda ay leeyihiin inta ay la'egtahay oo markaa ay ku bilaabaan dagaal fool ka fool ah guutadii iyagoon habeysneyn, oo markaa ay sugnaato awooda guutadaa soo duushay oy jabshaan dhamaan weerarada lagu soo qaado.'


Arrintan uu sheegay generaalku waa tii soo martay Ogadeenya qarnigii 18aad markii uu Minilik ciidanka dameeraha iyo baqlaha wata u soo diri jiray dalka.
Waxaa dhacda buu yidhi general Berfer in muddo ka dib ay guutadii yeelato dhex gal dadweyne oo folay oo dhan ku soo dhawaado, halkaan ay ka helaan jawaasiis u adeega. Muddo ka dib waxey ka dhex sameynayaan buu yidhi ciidan maxeysato ah dadweynihii iyagoo adeegsanaya handad iyo maal. Waxaa dhacda markaa in dagaalkii ka dhexeeyay guutada gumeysiga iyo dadweynihii dalka lahaa uu isku badalo dagaal sokeeye oo ka dhex dhaca calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen iyo dadweynihii sharafta lahaa.

Guutadii oo mar walba daba socota calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen ayaa bilaabaya inay ku siqaan dalkii, iyagoo u qaybinaya dalka laba qaybood. Dhul ay ku magacaabaan dhul nabadeed oo uu ka talinayo gumeysiga iyo daba-dhilifyadiisa, iyo dhul dagaal oo ah meelaha ay dadka dagan ay diidaan sharaf dhaca gumeysiga oo markaa uu ku fasaxo daba-dhilifyadiisa iyo ciidankiisa daba jooga inay argagax ka wadaan. Kolba qabiilka ogolaada gumeysiga iyo dabadhilif-nimada umbaana laga qaadi argagaxaa joogtada ah .. wuxuu qoray general Berfer in sidaa uu ku balaadho dhulkii gumeysiga.


Hadaan jaleecno waaqica ka jira Ogadenya, waxaad moodaa Tigree-ga inay sanadadii hore ay bilaabeen inay keenaan dalka ciidamo meelo fadhiisima ah iska dagay oo aan wax dhaqdhaqaaq geysanin. Muddo ka dibna waa tii ay bilaabeen inay xuquuqdii uu dhan ka xanyuubiyaan dadweynaha Ogadenya iyo shucuubtii kalee inala midka ahaa sida Oromada kuna amreen inay kabaha u qaadaan ciidanka ama u diyaar noqdaan dil iyo dhac. Natiijadii maxey noqotay? Kitaabka generaal Berfer wuxuu qoray in guulaha ay gaadhaan ciidanka gumeysiga iyo calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen ay tahay mid aan waarayn haddii dadweynahaasi la yimaado siyaabaha soo socda;
1. Inuu yeesho urur leh hadaf cad oo dagaalka hogaansha dhan walba.
2. In kala dambeynta gobanimadoonka iyo tabaha dagaalgal-koodu noqdo mid ka sareeya tan gumeysiga iyo calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen.
3. In dadweynaha ay ogolaadaan in aan la heleyn gobanimo haddii aan loo adkeysan argagixiska gumeystaha iyo calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen.
4. In la xoojiyo xiriirka jabhadda iyo caalamka dibadda.
Dhageystaha sharafta leh, waxaa maanta dunidoo dhan laga qiray, in hogaanka toosan ee JWXO ay ku guuleysteen fulinta dhamaan wixii lagu yiqiin dagaal thawri ah, ka dib markii la arkay 4tii sanee ugu dambeysay sida uu isku badalay majaraha dagaalka ka dhex socda Ciidanka Wadaniga ee Gobanimadoonka Ogadenya iyo Ciidamada cabudhiska iyo calooshood u shaqeystihii ay soo urursadeen. Saadaasha natiijada dagaalkana waxaan ku soo qaadi doona qaybta 4aad ee - Gumeysi la diid -
Mahadsanidin.
Kor Up

Diyaariye Hussein Nuur
radioxoriyo@ogaden.com

Qaybihii hore ee barnaamijka Gumaysi diid
Qaybtii 1aad
Qaybtii 2aad

Ogaysiis: Waxaan Ogasiinaynaa dhamaan akhrista yasha Maqaalkan waxaa iska leh qoraaga kusixiixan isaga ayaad kala xidhiidhi kartaa wixii fikrad ah.Mahadsanid Maa mulka Qorahay Online


Back to Qorahay

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.