Search for:

  Home Forum Suugaan History Geestbook Chat Qur'aan Islam Tafsiirka Dhoodan
 

Qaybtan 2aad ee Gumeysi diid waxaan kaga baaraan dageynaa su'aasha ah Itobiya ma dal gumeyste ahbaa ama waa dal ay ku nool yihiin qawmiyaad kala jaad ah sida ay sheegato?

Waxaan wada ogsoonahay in khariidada dunida ay ku badan tahay dawlado ka kooban qawmiyado kala jaad ah oo ku midooba dal iyo xukun. Itobiya waxey ku andacootaa inay ka mid tahay dalalka noocaa ah. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in aan bidhaamino faraqa u dhexeeya labadaa gumeyste dal kale ama qawmiyado ku midoobay dal iyo xukun.

Hadaan xoogaa jaleecno taariikhda gumeysi ee boqortooyadan markii dambe isku magacawday Itobiya (dadkii wajiyada gubnaa), waxay ka asaasantay agagaarka Aksum, tan iyo qarnigii 12aad halkaa ayaa u aheyd xarun. Dhulka boqortooyada Aksum waxuu ka koobnaa koonfor Eritriya, Tigray, iyo qayb Walo ah. Markii uu Islaamku ku xoogeystay Jasiirada Carbeed iyo waqooyiga Afrika oo dhamaan laga xidhay iridihii badaha ayay bilaabeen ree Aksum inay ku soo dhaqaaqaan dadyowgii dariska kala ahaa koonfur iyo bari iyagoo adeegasanaya siyaasdda ah in cagta la mariyo dad iyo xoolo wixii la arko. Waxaa fiira gaar ah mudan dhageystaha sharafta leh inuu u dhug lahaado xaaladda siyaasadeed ee maanta uu ka fulinayo Zinawi Geeska Afrika g.a. Ogadenya iyo Somaliya sida ay ugu egtahay tii waagaa ka jirtay Aksum.

Waxaan ku soo sheegnay qeybtii hore in askariga uu ahaa kan ugu nolol fiican boqortooyadaa Aksum sababtoo ah waxa uu soo dhoco askariga ayey boqorka iyo Kaniisadaba la qeybsan jireen. Waana tan uu maanta ku dhiiri galiyo askartiisa Zinawi, inay dhacaan xoolaha umadda Somaliyeed meel kastoo uu joogo.

Hadaan u soo noqono qodobka maanta, waxaa laga yaabaa intiina taariikhda akhrisataa inay yidhaah-daan dawlada badan ayaa sidoo kale ka asaasmay boqortooyo is fidisay sida Talyaaniga, Jarmalka iwm.. hasa ahaatee faraqa u dhexeeya 2daa waxaa laga eegaa ujeedadii is balaadhinta iyo natiijada ka dhalatay .. Boqortooyada is balaadhineysa haddii ay wadato fikirka ah iney mideyneyso dad iyo dal kala qoqobnaa natiijada ka dhalaneysa waa in guusha ay gaadho dadweynuhu u aayo. Haddii-se is balaadhintaasi ujeedada laga leeyahay ay tahay in la boobo hanti dad kale, amaba la qaato dhulkooda, guusha ay gaadho waa mid ku ah gumeysi shucuubtii laga taag roonaaday, waxayna natiijada noqon in dadweynahaasi uusan waligii ogolaan boqortooyadaa oo dagaal aan laheyn dhamaad ka sokeeya gobanimo kala hortago.

Waagii ay ku loolamayaan xukunka boqoradii Shawa, Tigray, Wallo, iyo markii uu ku adkaaday Minilik 1889kii inuu sheegto boqortooyada Itobiya waxay kala aheyd 2ba marxalad oo kala jaad ah. Marka hore waxaa la odhan karaa waa marxalad isu keen qawmiyadeed, sababtoo ah colaada dhex taal boqorada looma adeegsan in la xasuuqo dadweynaha ama la saaro wax ka badan canshuurta boqorka inkastaba ka le'kaatee, hasa yeeshee Minilik markii uu guuleystay, caasimadna ka dhigtay Addis Ababa shucuubtii uu ku duulayay ee Oroma iyo Ogadeenya wuxuu ula dhaqmayay si ah inuu duleysto, oo laayo ka dibna adoonsado. Taa waxaa ka dhashay in lagala hortago dagaal aan tan iyo maanta soo afjarmin, yool-kiisuna yahay gobanimo. Xukuumadihii is-daba joogay, geeridii Minilik ka dib, marka laga reebo muddo yar oo boqor Lij Liyaasu uu xukunka qabtay laguna casilay inuu la yeeshay xiriir Sayid Maxamad , siyaasadda lagu dhaqo shucuubta Ogadenya iyo Oromo waxey aheyd mid ka soo jeeda ree Aksum-kii Tigree, siyaasadaas oo ahayd in la dilo kii la arko lana dhaco xoolihii la helo. Waxaa halkaa inooga muuqday Itobiya sida ku xusan dhamaan kutubta taariikhda, in ay tahay xaalad gumeysi. Waxaa marag ma doonto ka dhigaya in la gumeysto Ogadeenya xaaladda uu ku sugan yahay dalka iyo dadka Ogadenya oo dhamaan wariyayyshii tagay ay qireen, taasoo ku kaliftay Itobiya in saxaafadda caalamka ay ka mamnuucaan in mar kale ay tagaan halkaa.

Gumeysiga tabahiisa waxaa ka mid ah inuu dalka ka sameeyo oo kali ah xeryo caskari iyo xarumo dadweynaha lagu xidhxidho laguna xasuuqo. Dhaqaalaha ka soo baxa dalkaana loo gudbiyo meesha ay taal boqortooyada oo ah maanta Makala. Waxay qoreen saxaafada dhaqaalaha caalamka in Ogadenya ay ka urursato Itobiya lacag gaadheysa 1.5 billion Dollar, waxeyna dib ugu soo celisaa in ka yar 10% lacagtaa. Intaasina waxey ku baxdaa ciidanka iyo jawaasiista u shaqeeya.

Markuu xaalku sidaa noqday ayey dadweynha Ogadenya 1958dii gudoonsadeen inay soo ceshadaan gobanimadoodii ka dib markii ay Itobiya ka baxday cahdigii u dhexeeyay 2da dhinac, dagaalkii bilowday waagaana wuxuu hakaday 1991 kii markii uu uruka EPRDF xukunka qabsaday kuna dhawaaqay charter-kii dhamaan shacabka Ogadenya uu ogolaaday. Hasa ahaatee markii uu afduubay Zinawi dawladii Itobiya kuna tilaabsaday inuu burbursho cahdigii ku qornaa charter-ka ayay JWXO go'aansatay in dagaal hubeysan oo shacbiga Ogadenya aanu u kala hadhin lagu qaado gumeystaha. Qeybta 3aad waxaan kaga sheekeyn doonaa tabaha uu gumeystaha adeegsado siduu uga hortago gobanima doonka iyo siyaabaha ay dadweynaha isaga caabiyaan iyadoo uu horsocdo hogaankooda gobanimadoon. Mahadsanidn. Kor Up

Diyaariye Hussein Nuur
radioxoriyo@ogaden.com

Qaybtii 1aad

Ogaysiis: Waxaan Ogasiinaynaa dhamaan akhrista yasha Maqaalkan waxaa iska leh qoraaga kusixiixan isaga ayaad kala xidhiidhi kartaa wixii fikrad ah.Mahadsanid Maa mulka Qorahay Online


Back to Qorahay

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.