Search for:

  Home Forum Suugaan History Geestbook Chat Qur'aan Islam Tafsiirka Dhoodan
 

Gumeysi  diid " Qeybtiisa kowaad ee maanta waxaan ku eegi  doonaa Gumeysi - muxuu yahay -

Siduu ku bilowdaa - siduuse ku dambeeyaa.

Markii aan baadhay Kalmada Gumeysi ama Isticmaar waxaan la kulamay inay culimadu ka baxsheen sharaxaadyo fara badan oo kala jaad jaad ah .
Isu- geynta afkaarahoodana waxaan kala soo dhex baxnay in loo yaqaan gumeysi " Koox budhcad ah oo meel laga soo diray oo xoog ku maamulaya ummad iyo shacbi kale.
Wuxuu ku billowdaa dawlad ama koox isbidday inay ka taag roon tahay shacab kale, ka dibna ku soo duula ama ku soo siqaba haddii ay daris yihiin, si ay ugala wareegaan dhul iyo hinti waxii ay lahaayeen, isla markaana danahooda addoonsi ugu fushadaan.

Gumeysigu waxuu la billowday markuu aadanuhu ka gudbay ugaadhsiga ee uu noqday hantiile dhul iyo xoolo leh.
Xilligaasaa waxaa billaabatay in kii aan wax heysan boobo kii wax heysatay. Waxaa ku xigay in intii wax heystay ay yeeshaan ciidan hantidooda dhawra iyo mid xukuma ciidanka oo noqday kan meesha ugu xoog badan oo cid waliba ay ka baqato, kaasoo noqday boqor leh ciidan iyo hantiilayaal ciidankiisa quudiya isaguna uu ilaasho danahooda.

Markase uu ciidanku bato oo la awoodi waayo wixii lagu quudin lahaa, lagana baqo inay dib ugu soo noqdaan raaciyaddii boqorka ayaa loo jaheeyaa inay ku duulaan shucuubta dariska ah oo ay boobaan, dhacaan oo dilaan illaa ay ka ogolaanayaan inay soo hoos galaan maamulka boqorka.

Waxaa xigtay marxalad ay boqorradu bateen, oo magaala walba yeelatay boqor iyo ciidan gaar ah -waa marxaladda loo yaqaan magaalo dawlad ah (City State), waxaa ku xigay in magaaladii yeelataa ciidan xoog leh ay qabsato magaalooyin kale oo sidaa xuduudihii ku fidaan.

Inta ay xuduudaasi ku fideyso magaalooyinka ay dagaan shacab isku jinsi ah waxaa la odhanayaa waa marxaladda dhismaha umadnimo " Nation building ".
Balse markii ay xadkooda ka tillaabaan oo ay u gudbaan dhul kale, shacbka dega, oo ah mid ka jinsi duwanna, ay xoog ku maamulaan waxay markaas noqonayaan gumeystayaal.



Hadaan soo koobno taariikhdaa dheer ee bani-aadamku soo maray, oon u soo gudubno qarnigii 18aad, markii ay culimada ku guuleysteen in birta la adeegsado, baaruudana lagu dagaalamo, waxaa billaabatay marxalad cusub oo la odhan karo umadihii birta calaliyay waxay awood u heleen inay ka adkaadaan shucuubtii aan iyagu adeegsan birta oon aqoon u laheyn baaruudda.

Qaaradda Yurub oo ku xeel dheeraatay farsamada birta waxey boob ku qaadeen Afrika iyo Asiyada bari, dawlada walbana waxey gacanta ku dhigtay dhul iyo dad ka ballaadhan, kana badan meeshii ay ka soo duushay.

Tirakoob ahaan 1900 Afrika 90.4% waa la guumeystay, Asiana 56.5%,  Jasiiradaha Asia 98.9%, Amerika 27.2%, Australia 100% .

Dawladaha kala qeybsaday dhulkaa waxay kala ahaayeen sidan :
Ingriiska oo dhulkiisu yahay 94,000 sq.m., dadka markaas ku dhaqnaana ay dhannaayeen 40 milyan oo qof waxey gumeysteen dhul dhan 13 milyan sq.m. (waa in ka badan boqolkiiba 140% dhulkooda) waxaa dagganaa dhulyowga ay gumaysanayeen dad gaadhaya 470 milyan oon inaga lafteenu ku jirno (waa in ka badan boqolkiiba 40% dadkooda).

Fransiiska oo dhulkiisu yahay 212,600 sq.m., dadka markaas joogayna ay dhanaayeen 35 milyan waxey gumeysteen dhul dhan 4.3 milyan sq.m. ( waa in ka badan boqolkba 20% dhulkooda) waxaa daganaa dad gaadhaya 65 malyan (waa in ka badan boqolkiiba 18% dadkooda).

Belgium oo dhulkiisu yahay 11,800 sq.m. dadka markaa joogana dhanaayeen 8 milyan waxey gumeysteen dhul dhan 940,000sq.m. (waa in ka badan boqolkiiba 80% dhulkooda) waxaa daganaa dad gaadhaya 13 malyan (waa in ka badan boqolkiiba 16% dadkooda).

Holland oo dhulkiisu yahay 13,200 sq.m. dadka markaa joogana dhanaayeen 8 milyan waxey gumeysteen dhul dhan 790,000 sq.m. (waa in ka badan boqolkiiba 60%dhulkooda) waxaa daganaa dad gaadhaya 66 malyan (waa in ka badan boqolkiiba 82% dadkooda).

Jarmalka oo dhulkiisu yahay 210,000 sq.m. dadka markaa joogana dhanaayeen 67 milyan waxey gumeysteen dhul dhan 1.1 milyan sq.m. (waa in ka badan boqolkiiba 52% dhulkooda) waxaa dagaan dad gaadhaya 13 malyan (in ka badan boqolkiiba 40% dadkooda).

Hadaan jalleecno dhinaca Xabashida oo ah dawlad taariikh guun ah ku leh xagga gumeysiga iyo dhul ballaadhsiga, waxay boqortooyadoodu billaabeen inay ku duulaan dadkii dariska la ahaa oo ay boob, dhac iyo xasuuq u geystaan.

Ninka lagu magacaabo Cali Yare maqaal uu dhawaan qoray _SoamliTalk- isagoo soo xiganaya qoraalo taariikhi ah oy qoreen niman dhul mareen ah oo caddaan ah, wuxuu qoray sidatan; (--Hab nololeedk Itobiya waxaa astaan u ah dagaal iyo faqri--) sidoo kale waxuu qoray ( -- Dagaalku wuxuu ahaa shaqada ugu weyn ee uu waddanka ku tiirsan yahay.
Runtii taariikhda Xabasha waxey ka koobantahay dagaal aan dhammaad laheyn oo boqorradu ay hogaaminayeen kaniisada-hana u barakeynayeen, oo lagu qaadayay dadyowga dariska la ah.

Tan iyo Boqor Ezana oo xabashida haystay qarnigii 4aad, boqorrada xabashida ee xilli kasta wararka laga qoray waxay ahaayeen xasuuq, dhac iyo qafaalasho ay ku samaynayeen dariskooda.)

Sidoo kale waxey xaqiijiyeen dhul-mareennadaasi in boqortooyada xabashidu aanay caasimad lahaan jirin ..
Caasimadda waxaa kolba loo rari jiray soohdinta dagaalku ka jiro.
Minilik ayaa ugu horreeyay oo caasimad ka dhigtay Adis Ababa, ka dib markii uu jabiyay boqorradii Oromada iyo Soomalida.
Intaas ayaanan maanta ku daynaynaa maanta taariikhdaa mugdiga ah ee Itobiya, oon si gaar ah uga faalloon doono.

Waan garanay in Gumeysigu ku billowdo dagaal, dhac iyo boob ujeeddada laga leeyahay  ay tahay

1- In la qaato dhul iyo hanti shacab kale leeyahay, ka dib marka la laayo dhamaan dadka ku nool halkaa, sida Amerika iyo Australia.
2- Ama in la addoonsado oo lagu shaqeysto dadka daggan goobta lagu soo duulay, marka laga adkaado ee ay isdhiibaan, waxaana marag-ma-doonto ah in xabishadu ay dadkeenna sidaas la damacsan tahay.

Labadaas ujeeddo waa mid ay ka siman yihiin dhamaan gumeystayaasha hadii ay u hirgashana waa sidii ay doonayeen, haddiise shacabkaasi uu ka dhiidhiyo oo naf iyo maalba uu ku difaaco gobanimadiisa oo aanu u aaba yeelin xanuunka soo gaadhaya waxuu soo ceshanayaa xoriyadiisii laga dhacay waxuuna ka mid noqon shucuubta caalamka ee xorta ah.
Kor Up


Qore : Hussein Nuur
radioxoriyo@ogaden.com

Ogaysiis: Waxaan Ogasiinaynaa dhamaan akhrista yasha Maqaalkan waxaa iska leh qoraaga kusixiixan isaga ayaad kala xidhiidhi kartaa wixii fikrad ah.Mahadsanid Maa mulka Qorahay Online


Back to Qorahay

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.