Search for:

  Home Forum Suugaan History Geestbook Chat Qur'aan Islam Tafsiirka Dhoodan
 

Qaybtan 4aad ee Gumeysi diid

Waxaan kaga baaraaan dagnay qeybihii hore gardarada gumeysiga, tabaha uu ku fido, siyaabaha uu u cabudhiyo shucuubta uu gumeysto iyo in Itobiya ay tahay dawlad gumeysi ama mid ay ku midoobeen qawmiyaad kala jaad ah. Qaybtan 4aad waxaan ku bidhaamin doonaa natiijada ka dhalata iska-horimaadka gobanima-doonka iyo gumeysiga.

Waxaa la’isku raacsan yahay in faa’iidada laga helo taariikhdoo la qoraa ay tahay in lagaga beydho khaladaadka ay shucuubta caalamka kala galaan si aan aadamauhu ugu daadan dabkuu shalay ku gubtay mid kale. Waa middaa tan uu Qura’aanka Ilaah ugu soo celceshay ka sheekeynta khaladaadkii quruumihii hore si loogu cibrad qaato oo aan tiiyoo kale loogu dhicin. Ilaah markuu la hadlayay kufaartii ree Qureysh wuxuu ku yidhi – Ma galadiinan ayaa hadaba ka khayr roon kuwii hore -- ( een soo halaagnay) ? Sidoo kale hadaan su’aalno maanta gumeysiga Itobiya oon nidhaahno ma idinka ayaa ka adadag gumeysigii ree Yurub amaba ka xoog badan? Jawaabta dhabta ah waxay noqon - maya. Si aan u xaqiijino jawaabtaa ah mayada, waxaan daraaseyn doonaa taariikhdii gumeysi ee dhawr dal oo aan u qaadanay tusaale ahaan.

Hadaan dhugano gumeysigii Faransa ee dalka Algeriya, wuxuu ku bilowday cunaqabateyn badda ah markii uu boqorkii Faransa ku andacooday in qunsulkiisii fadhiyay Algeria aflagaado loo geystay 1827kii. Markay fashilantay cunaqabateyn-tii ayuu 1830kii ciidan gaaraya 34,000 oo askari ku soo dajiyay Faransiiskii meel u jirta 27km caasimadda. 3ex todobaad ka dibna waxey qabsadeen caasimaddii iyagoo adeegsday hubka madaafiicda oo aanay heysan markaa dadweynihii u soo birmaday inay difaacaan dalkooda. Isla waqtigaa waxaa la riday boqorkii Faransa ee duulaankaa baxshay, waxaana laga dhisay Faransa barlamaan iyo xukuumad ku faanaysa inay sameysteen dastuur leh waji ka duwan kii hore oo ku saleysan in aan la gumeysan shucuubta caalamka. Hasa ahaatee markii ay timid arrinta Algeria barlamaankii waxuu go’aamiyay in sharafta Faransa ay ku jirto in gumeysigii Algeria halkii laga wado. 1848-kiina waxey ku dhawaaqeen in Algeria tahay qayb ka mid ah Faransa waxaana la geeyay maamul gumeysi oo lagu magacaabay –government of the sword- (xukuumadii siifta) – oo madax uu ka yahay general ciidanka ah oo la siiyay awood buuxda oo dhan walba ah – ciqaab, dil ama abaal marin qofkuu doono ah. Xukun ka duwan kan Faransa lagu dhaqo ayaana lagu soo rogay dalka Algeria inkastoo ay ku andacoona-yeen inuu yahay qayb ka mid ah dalka Faransa sababna waxey uga dhigeen in qaanuunka Franasa ka jira uu yahay mid aad u fudud oo aan lagu dhaqi karin muslimiinta Algeria.

Dhageystaha sharafta leh waxaan siinayaa dhawr ilbiriqsi oo uu dib ugu eego charter-kii ay soo bandhigeen EPRDF-tu markii la riday diktaatorkii Mingiste iyo go’aankii uu gaaray barlamaan ku sheeggii Itobiya markii ay Tigreegu adkaysteen xukunkii. Islamar-haantaa waxyaabaha maanta ay ka wadaan saraakiishooda gayiga Ogadenya, Somalia Oromia iyo meela kaleba –

1845kii dalka Algeria waxaa loo qaybshay 3ex maamul – 1- goobaha ay ku badanyihiin dadka Yurubta ah waxaa loo ogolaaday inay doortaan duqa magaala-dooda iyo aqalka dawladda hoose. 2- goobaha ay joogaan dad Yurub ah hasa ahaatee aqlibiyadu ay tahay dadkii dalka lahaa, waxaa maamulka gacanta loo galiyay dad la soo xulay oo Faransiis ah iyo dabadhilif-yadiisa. 3- dalka intiisii kalena waxaa lagu maamulay xukunkii seefta. Nidaamka noocaa ahi waxuu ka jiray dalka Algeria ilaa 1962kii oo ah markii ay ree Algeria hantiyeen gobanimadii.

Waxuu gumeystihii Faransa horjoogsaday waxbarashadii ree Algeria, wuxuu la dagaalamay oo uu tirtiray nidaamkii isxukun ee ka jiray qabaa’ilka, dhulkii beeraha ahaana waxuu u qaybshay dadkii ka imanayay Faransa ee cadaanka ahaa, isla mar-ahaantaa waxaa lagu soo rogay dadkii dalka lahaa canshuur dheeraad ah iyo cadaadin joogta ah si ay uga qaxaan magaalda. Nin ka ahaa gudoomiye dalka Algeria waagaa general Jules Cambon 1894kii wuxuu qoray sidan – Algeria waxaa ku hadhay dad qashin ah oo aan qiimi laheyn – isagoo ula jeeda burburka ay u geysteen tayadii dadka.

Dadkii ree Algeria waxey kala hortageen gumaystihii Faransiiska dagaalo ku bilowday si googoos iyo kacdoon aan habeysneyn ah hasa ahaatee dhaawac u geystay gumeystaha.

1dii Nov. 1954kii ciidamada gobanima-doonka ee FLN ayaa si wada jir ah dagaal ugu qaaday goobihii ciidamada gumeystaha, xarumihii booliska, maqaasiinadii hubka, isgaarsiintii, iyo guryahii dawlada, waxeyna kaga dhawaaqeen idaacadoodii Qahira baaq ay u jeediyeen ree Algeria inay ku soo biiraan ciidanka gobanima-doonka ALN si loo soo cesho sharaftii umadda Algeria. Jawaabta Faransiiska uu ka celiyay baaqaa waxaa ku dhawaaqay wasiirkii gudaha Miteraand oo yidhi - .. wadahadalka kali ah ee noo dhexeyn kara anaga iyo FLN waa dagaal. – Ra’isal Wasaara-hoodana wuxuu ka yidhi barlamaanka 12kii Nov. - .. Qofna gorgortan ma galin karo marka ay timaado in la difaaco nabad-galyada umadda Faransa, midnimada dalka Faransa iyo jiritaanka Jamhuuriydda. Haya’daha Algeria waxey ka mid yihiin Jamhuuriyada Faransa. Faransa ayey ka mid ahayeen mudda dheer waana qeyb ka mid ah dalka. Iyaga iyo Faransa cidina ma kala goyn karto. – Waxaa kaaga muuqanaya hadaladaa in aanay marnaba Faransa ku seexan kuna soo toosin in Algeria ay ka hoos baxdo Faransa. Maxey noqotay natiijadii?

Dadweynihii Algeria rag iyo dumar iyagoon u kala hadhin ayey bilaabeen dagaal khadhaadh oo xididdada loogu siibayo gumeystaha, iyagoon u aaba yeelayn dhibaatada iyo dilka uu u geysanayo gumeystaha. Tusaale ahaan ciidamada Fransiisaka iyagoo ka aar goosanaya fal dagaal oo jabhadda FLN ay kaga dileen Faransiiska 123 qof, ayey qaadeen dagaal gumaad ah waxeyna laayeen dad rayad ah oo gaaray 12,000 oo Algerian ah. Go’aanka Jabhadda FLN iyo dadweynihii Algeria waxuu noqday inaan laga waaban geerida waxeyna u hebeeyeen gobanimada ay maanta hadhsanayaan in ka badan 1-malyan oo shihiid.

Fransiiskii waxaa qasab lagaga dhigay inuu isagoo dulleysan ka cararo dalka Algeria kana gurto ciidan gaaraya 400,000 oo askari iyo 350,000 oo ah rayad Faransiis ah, iyo 1.4 milion isugu jira Yuhuud iyo dabadhilfkii raacsanaa gumeystaha.

Dhageystayaal, waxaa laga ogsoonyahay caalamka in Faransiisku yahay gumeyste aad u dhaga adag oo aan ka bixin dalkii uu soo galo ilaa gacmaha la jaro, hadana wa taa aad aragteen inuu ka duubtay darmadiisii dhamaan meelihii uu gumeysan jiray, hadaba su’aashu waxey tahay Ciidamada cabudhiska ee Itobiyaanka ah ma ka xoog badanyihiin kuwii Faransa? Dadweynaha Algeria se ma ka geesinama badanyihiin dadweynaha Somaliyeed ee Ogadenya? Jawaabtu waa maya, gumeystaha Itobiyana waa ay ogsoonyihiin middaa, waxa kali ah ay isla dhaga nabayaan waa iyagoo is leh jabhadda ONLF kuma guuleysan karto iney mideyso hadafka iyo awooda shacabka Ogadenya, sidaa darteed ciidanka gobanima-doonka ONLA oo aan wadan garabkiisa shacbi ayaad ka adkaan doontaan. Aragtida sidaa ah waa midda jabisay gumeystoo dhan siina daba dheereysay dagaalada gobanima-doon.

Waxaa hubaal ah inuu xaqiiqsan doono gumeystaha Itobiya mar dhaw in Jabhadda ONLF iyo dadweyna-heeda aan la kala sooci karin si kastaba ha u adeegsado daba-dhilif Ilaahay iyo umadiisaba ku caasiyay.

Mahasanidin.
Hussein Nuur


Ogaysiis: Waxaan Ogasiinaynaa akhristaha, qoraalkan waxaa iska leh qoraaga kusixiixan kama turjumayo
Qorahay Online

Contact: webmaster@qorahay.com
Copyright © 1999 - 2001,All rights reserved. Qorahay Online.

Back to Qorahay